Deni ma waxuu dhisayaa Boqortooyada Shaydaanka??

5-tii sano ee Deni la doortay,waxaa ka harsan 2-sano,waxuuna bilaabay hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan.

Kadib 2-da Sano ee Deni uharsan,waxaa qorshahoodu yahay in ay dalbadaan 2-sano oo ay Dimuqraadiyada ku dhamaystiraan.

Markay ay helaan 2-daa Sano,waxaa hadana qorshahoodu yahay in ay Doorashada kusoo baxaan Wado walba oo ay umari karaan.

Ugu danbayn Puntland in ay ka taliyaan 15-sano,iyagoo hadba Shaati isticmaalaya.

Waxaan ka hadlayo waa Boqortooyada Shaydaanka (Aaran-jaan).

Xogtayda,waxaa xaqiijin kuugu filan oo aad ka daba geli kartaa kulankii Habeen hore dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Haldoor isu abaabulay ka hor tagida in dagaal uusan ka dhicin Bosaso oo kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud.

Hamiga Boqortooyada Shaydaanka,waxaa hada hawl fuliye u ah Madaxweyne Deni oo ka dhex arka Hamigiisa iyo danta ganacsi ee Qoyskiisa.

Ilmo Diyaano waa Boqortooyo kale oo ka dhisan Puntland oo leh Ciidan,Dhaqaale iyo Taageerayaal xoog badan.

Boqortooyada Shaydaanku waxay u aragtaa Ilmo Diyaano khatarta hamigooda hada iyo kan dheer.

Sidoo kale Boqortooyada Naxariista iyo Naruurada ee dhista Dugsiyada Quraanka,Masaajidyada,quudisa Masaakiinta,Daryeesha Ciidamada iyo Haldoorka Bulshada ee Ilmo Diyaano waa og tahay Hamiga Boqortooyada Shaydaanka iyo doorkooda ka hor tagida hamigaas.

Reer Puntland,waxaa ufuran in ay kala doortaan Boqortooyada Shaydaanka iyo Boqortooyada Naxariista iyo Naruurada.

Jibril Qoobey