Halkee marayaa wada xaajoodka Arinka PSF?

Waxaa jira Gudi si hoose uwada wada xaajood ku saabsan PSF.

Aaran-jaan waxay Guddiga u sheegeen in ay Dad badan kiciyeen, kolkaas loo baahan yahay in Waji ay ku baxaan loo sameeyo oo xataa wax uun Hubka laga siiyo ama xataa qeyb laga gado.

Wakiilada PSF u hadlaya waxay ku doodeen in Baaqii Issimada oo laga noqdo ay tahay ilhaano aan la aqbali karin,isla markaana lagu dul shaqeeyo baaqii issimada ee Qoor dhiibashada.

Mareykanku,waxuu issimada u cadeeyay ka hor intaysan soo saarin go’aankoodii in ay Qalabkooda qaateen, muddo kahor,waxii harayna ay siiyeen Agaasinka PSF, oo cadow badan leh,sidoo kale waxay uxaqiijiyeen Isimada in uu jiro dhaqaale PSF ka maqan oo Jen. Maxamuud Diyaano isagu bixiyay.