Qalabkii iyo Agabkii Xaafiisyada Hay’adii Sirdoonka Puntland oo la bililiqaystay

6-Baabuur,Qalab isgaarsiineed iyo m8d Xaafiiseed oo ay lahayd hay’ada sirdoonka Puntland ee PISA oo la bililiqaystay.

Dowladda Puntland ee leh waxaan ilaalineynaa sharciga & Hay’adda Amniga waxay burburisay Hay’adii muhiimka ahayd ee Sirdoonka Puntland.

Amar Madaxweyne,ayaa lagu qaatay Gadiidkaas iyo Qalabkaas Hay’adda Nabagdsugida Puntland ee PISA.

Gaadiidka la qaatay”

Gadiidka la qaatay,ayaa gaaraya 6-Baabuur oo aysan Xabadu karin,waxaana loo qaybiyay masuuliyiinta kala ah….

1.Gaari Land Kuruusar ah oo aysan Xabadu karin,waxaa haysta oo wata Madaxwyene Deni.

2.Gaari xaajiyad ah oo aan xabadu karin waxa haysta Wasiirka Maaliyada Xassan Shire Abgaal.

3.Gaari aan Xabadu karin oo Xajiyad ah waxaa haysta Taliyaha Police-ka Puntland.

4.Gaari Laan-Karuusar ah oo aan Xabadu karin,waxaa haysta Wasiirka Amniga Puntland Galan.

5.Gaari aan Xabadu karin oo Xaajiyad ah,waxaa haysta Agaasimaha PMPF Cabdirabi.

6.Gaari aan Xabadu karin oo Xaajiyad ah,waxaa haysta Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Isgaarsiinta la Qaatay”

Qalab Isgaarsiineed oo Hay’adu leedahay oo ay uga maarmi jirtay isticmaalka Taleefoonada Golis si xogtoodu uxafidnaato,waxaa looga qaatay Amar Madaxweyne,waxayna hada yaalaan,iyagoo Dhagax oo aan shaqayn Madaxtooyada.

Agab Xaafiiseedka la qaatay”

Qalab Xaafiiseed Maraykanku ugu deeqay Hay’ada Sirdoonka ee PISA,ayaa Amar Madaxweyne,waxaa ku qaatay Cabdi-rabi Agaasimaha Ciidamada PMPF.

Dhamaan Gaadiidkaas iyo Qalabkaas,waxaa bixiyay Dowlada Maraykanka,kadib markii ay ogaatay in si khaldan loo isticmaalayna,waxay joojisay wada shaqayntii,iyadoo jartay dhaqaale gaaraya bishii 120$-kun oo ay ku kabi jirtay Hay’ada Sirdoonka ee Pisa.

Sarkaal la shaqeeya Taliska Africom ee Jabuti oo aan xogtan wax ka waydiiyay,ayaa ii xaqiijiyay in ay ka warqabaan arinkan,isla markaana ay ka wal-wal qabaan Qalabka iyo Hubka PSF in uu gacan khaldan galo hadii laga wareejiyo Agaasimaha hada haya.

Dhanka kale Sarakiisha Sirdoonka PISA oo aan xuuraan ku dabagalay,waxaa ogaaday in ay ku dhex lugeeyaan dariiqyada Magaalooyinka oo aysan haysan xataa Hub ay ku sugaan Amnigooda gaarka ah.

PSF ma sidaasaa lala rabaa in loo bililiqaysto Hubkeeda iyo Qalabkeeda?

Jibril Qoobey.