Lalibela oo gacanta Tigreega dib ugashay

Ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday magaalada Lalibela ee dalka Itoobiya, wax ka yar laba toddobaad markii ay ciidamada dowladda iyo xulafadoodu la wareegeen, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Axaddii.

Lalibela oo ah magaalo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay xarunta dhaqanka ayaa ku taal gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Axmaarada iyo maleeshiyaadka isbaheysiga la ah oo labaduba gacan saar la leh dowladda Itoobiya ay habeenkii sabtida ka baxeen magaalada Lalibela.

“Qeybtii u dambeeysay ayaa saaka ka baxay, waxaan maqalnay rasaas meel fog laga maqlayay xalay, balse ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday Lalibela, iyaga oo aan xabbad ka ridin magaalada,” ayuu yiri goobjoogaha oo ka mid ah shaqalaaha soo dhaweynta hoteel ku yaal magaaladaas oo khadka telefoonka ugu warramay Reuters.

Ciidamada taabacsan kooxda TPLF ayaa magaalada la wareegay horraantii bishii Ogosto,laakiin 1-dii December, ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobolka Axmaarada ayaa dib u qabsaday magaalada.