Kulankii Cumar Cabdirashiid iyo Farmaajo oo aan waxba soo kordhin

Farmaajo,isagaa codsaday in ay kulmaan Cumar Cabdirashiid.

Kulankaasi,waxuu ahaa qado ka dhacday Villa Somaliya.

Farmaajo waa cawday oo waxuu ka cawday Deni iyo Axmed Madoobe.

Farmaajo waxuu Cumar usheegay in aysan waxba gacanta ugu jirin oo uusan Doorasho ka warqabin.

“Qoor-qoor iyo Laftagareen,ayaa igarab taagan,iyaguna waxay igula socdaan Jeebkayga oo Lacagtayda ayay qaataan”Ayuu ku yiri Cumar.

Markii Cumar ku yiri sida wax usocdaan waa khalad ee aan wax toosino waxuu ugu jawaabay Farmaajo,waa runtaa wax weyn baa khaldan meeshaana wax Dowladnimo rabaa majoogaan,hadaan hada iraahdo wax hala saxo waxaanba iga yeelayn labada ila socota ee Qoor-qoor iyo Lafta-gareen,hadiise wax la saxayo waxba kama qabo oo ma hor istaagayo.

Ugu danbayn Cumar waxuu ka codsaday Farmaajo si wax loo saxo in uu hakiyo Doorashada hal-qalablaha ah ee Gobolada Waqooyi waliba kuwa markaas balansanaa,wuuna aqbalay Farmaajo.

Balse markuu kasoo tagay,ayuu fasaxay 4-tii Kursi ee Cumar ka dalbaday in la hakiyo inta xal la gaarayo.

Sidaas,ayuuna kulankii Cumar iyo Farmaajo ku macno beelay.