Madaxweyne Deni oo ka mid noqday Dibindaabyeeyayaasha Dalka

5-sanno ka hor (13/12/2016) waxaa uu Madaxweyne Gaas shahaadooyin guddoonsiinayay Xildhibaanadii labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ee lagu doortay Garowe.

Maanta 5-sanno kadib waxaa Puntland laga codsanayaa inay 48-saac kaga soo jawaabaan bilaabashada doorashada Aqalka-hoose.

Madaxweyne Deni waxuu si fudud oo lagu tilmaamay khibrad yari siyaasadeed u lumiyay isbahaysigii Puntland ee Muqdisho.

Maanta waxay isku dhinac noqdeen Madaxweynihii ku fashilmay hogaaminta Dowlada Fadaraalka ee 30-sano kadib Dalka dib uceliyay.

Deni,waxuu danaynayaa in ay wax ku socdaan sida hada xaalku yahay,isagoo ka duulaya Laba arimood oo kala ah…

1.In Doorashadu jiitanto si mudo xileedkiisa Puntland usii gaabto.

2.In uu boobka iyo fawdada Doorashada ka faa’idaysto oo uu dhaco Xildhibaano badan.

Madaxweyne Deni,waxuu Maanta qayb ka yahay dibindaabyeeyayaasha Dowladnimada Dalka.

Somaliya xiligan waxay ku jirtaa wakhti adag,waxayna haldoor badan qabaan in la garab siiyo dadaalada Cumar Cabdirashiid wado.

Jibril Qoobey +Omar ikhyaar