PSF ma gacanta Deni ayay ku burburtay?

Madaxweyne Deni,waxuu amray in Ciidamada PSF-ta Aamiin Xaaji Khayr hogaaminayo loo raro Buuraha si ay uga hor tagaan dhaq-dhaqaaqa argagixisada ee soo xoogaysanaya.

Balse Ciidanka,ayaa amarkaas ka hor yimid,waxayna ku sababeeyeen diidmadooda dhawr Qodob oo kala ah…

B.Tuutihii Daraawiishta oo lagu amray in ay qaataan,waana diideen oo waxay ku adkaysteen koodii rasmiga ahaa.

T.Mushahaarkoodii oo gaarayay bishii 350-dolar iyo 6$ oo hawlgal Habeenle ah in sidiisii loogu wado.

J.Qalabkii ay ku hawlgeli jireen oo loo keeno ,sida ..Okiyaalayaashii Habeenimada,Diyaaradihii Sahanka,Qalabkii dhagaysiga Taleefoonada IWM.

Dowladu hada uma diyaarsana Agabkaas oo idil,waxayna umuuqataa in aysanba ka diyaar garoobin oo kaliya xilka qaadista lagu dhaqaaqay.

70-Askari oo PSF-ta saxda ah,ayaa usoo wareegay dhanka Dowlada,iyadoo lagu xoojiyay 8-Baabuur iyo Xoogaa Ciidan kale ah.

Waa wax laga xumaado in Ciidan 600 oo Puntlander ah,Qalabaysan,Diyaarsan oo garab caalami ah heli kara ay ku burburaan gacanta Madaxweynihii loo doortay.