Taariikhda Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah Ee Hurdiya

Hurdiya: 2/ 12- 1925-kii, xeebta degmada Hurdiya waxaa soo gaaray ciidamo Talyaani ah oo gurmad u socda. Degmadii oo cidla ah ayay ku soo degeen. Iyaga oo magaaladii dhex jooga ayaa weerar qabsadey. Waxaa soo hujuumey qeybo kamid ah ciidamadii Xirsi Boqor. Waxaa halkii lagaga dilay 35 nin. Hubkoodiina waa laga qaatay.

Gumaadkii Xaafuun ka dhacay waxaa soo ruqaansaday cuntub kamid ah maraakiibta dagaalka ee Talyaaniga ka joogey bad-waynta Hindiya (Divisione Navale Oceano Indiano). Qeybtani waxay ka koobneyd:

1) Markab wayn oo dadka qaada oo la yiraahdo Firenza. Ciidamada badda ee saran waxaa kamid ahaa guutadii II-aad ee Ereteriya, kuwaas oo loogu tala-galay in ay xoojiyaan ciidanka lugta.

2) Markab dagaal oo la yiraahdo Campania. Waxaa loogu tala galay in uu hubka culus ku garaaco Xaafuun iyo Hurdiya, si uu uga saaro dagaal-yahannada.

3) Markab dagaal oo la yiraahdo Savona, kaas oo isaguna kamid ahaa qeybtan

4) Markab dagaal oo la yiraahdo San Giorgio, kaas oo ka soo gurmadey xeebta Caluula. Waxaa saarnaa hal koox oo ciidan ah “.

5/ 12- 1925-kii ayay raxantaas maraakiibta ah ay soo gaareen degaanka. Waxaa watay nin Admiraal ah. Waxay markiiba duqeyn ku bilaabeen labadii degmo ee ahaa Xaafuun iyo Hurdiya.

Waxaa halkaas lagu gubey labadii magaalo iyo wershaddii milixda. Waxaa isla-daryaamey buurihii ku teedsanaa magaalooyinka.

~Majeerteenka hoosiyo Cismaan waa mitidiyaane

~Boqorkii la maamuusayaa maasaha u sida’e

~Mid adeyga waxa looga haray mudane weeyaane

~Meydkiyo raqdoodii ayay murugtay laabtiiye

Sharmarke Abshir.