Wasiirka Maaliyada Puntland oo kormeeray Xarunta Canshuuraha Biriga

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari.

Wasiirka, ayaa Kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta, waxaana uu kulan la qaatay Madaxda Cashuuraha Berriga gobolka Bari.

Intii uu socday kulaan kaasi waxaa lagu soo ban-dhigay dakhliga ay soo xereeyeen iyo habsami u socodka shaqada.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa Masuuliyiinta iyo shaqaalaha kula dar-daarmay in ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan kor u qaadista Dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland