Madaxweyne xigeenka Puntland oo dib ugu soo laabtay Garowe

Garoowe: 15 December 2021: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo safar gaar ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxaa soo dhoweeyay xubno isugu jira Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.