Maxamed Cumar Carte oo Hargaysa lagu xiray

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goordhow lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, wax yar kaddib markii uu ka soo degay.

Maxamed Cumar Carte ayaa bishii October ee sanadkii 2020 waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaddib markii uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka, si uu u booqdo Aabihii oo xilligaas ku xannuunsanaa Hargeysa oo uu markii dambe geeriyooday.

Madaxweyne Muuse,ayaa maalmo ka hor ka laabtay qaraar jiray oo lagu cafin jiray Siyaasiyiinta SL kasoo jeeda ee Xamar tagta ama wax ka noqota