Midowga Afrika oo kala baxaya Itoobiya Shaqaalihiisa

Shaqaallaha Midowga Afrika,ayaa bilaabay in ay ka baxaan Addiss-Ababa oo ay ku taal Xaruntiisa ugu weyn.

Ka bixitaanka Shaqaalaha Midowga,ayaa loo sababaynayaa walaac xoogan oo kasoo foodsaray dagaallada ka socda gudaha Itoobiya.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Tigreega,ayaa dagaal adag waxuu ku dhexmarayaa Deegaanka Amxaarada.

Tigreegu waxay dib uqabsadeen dhawr Magaalo oo ay ka mid tahay Lalibela Magaalo Taariikheedka udiiwaangashan Qaramada Midoobey.

Horay,waxaa uga baxay Itoobiya Shaqaalihii iyo Diblomaasiyiintii Safaaradaha reer Galbeedka.