Nooca cusub Ee Corona oo si xawli ah ufaafaya

Nooca coronavirus ee Omicron,ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub.

Dr Tedros ayaa sheegay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Hubaashii, waxaan haatan ogaannay inaan dhayalsanno fayraskan. Xitaa haddii Omicron uu sababo xanuun yar, tirada kiisaska ayaa mar kale culeys ku keeni doonta waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Tiro dad ah,ayaa soo saaray shuruuc lagu mamnuucayo safarka taas oo saameysay Koonfur Afrika iyo dalalka deriska la ah kaddib markii laga helay nooca Omicron, balse shuruucda ayaan wax badan ka qaban joojinta inuu noocan ku faafo dunida.