Sawiro:-Dib umilicso Warshadii Raas-Xaafuun

Warshadii Ras Hafun

Magaaladu waxay ahayd degmo uu ku xooggan yahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Degmadaas ayaa joqraafiyahannada adduunka waxay ku magacaabaan korridoorka qaaradda Afrika ay ku leedahay Bad-Waynta Hindiya.

Degmadu waxay ku dhacdaa cirifka jahada Bari u xiga qaaradda oo idil. Waa meesha ay qorraxdu ugu soo hor-baxdo dhulka ay ku fadhido qaaradda madow. Waa meesha Afrika ugu xigta caloosha qaaradda ugu wayn adduunka (Aasiya).

Meesha ay Xaafuun ku taal,ayaa Degmada waxay siisay fursad ganacsi oo taariikh fog leh.

Degmadu waxay ku xusan tahay dhamaan taariikhaha laga qoro dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka, iyada oo magacyo kala duwan wadata.

Hadba dalalkii curad ka noqda nolosha oo hoggaanka u qabta il-baxnimada adduunka ayaa markay socodkoodu ku bataan, magac ula baxi jiray, Talyaaniga wuxuu ula baxay (Dante) Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmadaasi marna ma joogsan muddadii ka horeysey xilligii gumeysiga.

Sharmarke Abshir.