Ciidamada gaarka ah Ee Amxaarada oo xasuuqay shacab Tigree ah

Warbixin ay si wada jir ah usoo saarren hay’addaha xuquuqaha aadamiga u doodda ee Human Right Watch,iyo Amnesty International, ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Axmarada,iyo kooxda Fano ay gabood fallo iyo tacadi xooggan u gaysteen shacabka Tigreega.

Warbixintan oo eedaymo culus loogu soo jeediyay hay’addaha amniga ee Axmarada ayaa lagu sheegay in qoysas baddan oo Tigree ah la kala geeyay,halka shacab kale xadhig jumlaysan,iyo dil loo gaystay.Warbixintu waxay kaloy sheegaysaa in la barakaciyay dad baddan shacab.