Waa muhiim in la qabto Shirka turxaan bixinta Doorashooyinka !!

Shirka turxaan bixinta Doorashooyinka:

Madaxda Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Beesha Caalamka,ayaa RW Rooble muddo ka sugayey in la qabto shir looga tashado arrimaha murugsan ee Doorashooyinka.

Rooble,ayaa aad uga leex leexday in uu qabto shirka turxaanbixinta sidii uu Doha uga soo laabtay.

Shirkan ayaa loogu baahi qabaa in:

1.Khaladaadkii ka dhacay 24 Kursi ee Aqalka hoose oo aan loo marin Habaraaca la saxiixay ee Doorashada.

2.Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka oo ku milmay damaca Maamulada iyo Villa Soomaliya.

3.Go’aankii Midowga Murashaxiinta ee lagu heshiiyey in la dhiso Golaha Badbaadinta Qaranka (Somali Salvation Council).

4.Dejinta Jadwal sax ah oo caddeynaya bilowga iyo dhamaadka Doorashooyinka Dalka .

Waxaa hubaal ah haddii aan nidaamka Doorashada la sixin in Dalka Somaliya u geli doono weji madow iyo amni darro ka abuuranta khilaafka siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa dhumi doonta kalsoonida shacabku ay ku qabaan Dowladnimada taas oo xoojin doonta jiritaanka Cadowga Alshabaab.

Somali Madaxdeed oo dhan maanta talo ayaa u taal.

Culeyska howshan Rooble kuma filna,Diyaarna uma ahan.