Jubaland iyo Koonfur-galbeed oo dhabarka ka jabiyay Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen,ayaa maalmahan booqasho ku joogay Kismaayo.

Laftagareen oo kulamo la qaatay dhigiisa Jubaland,ayaa ugu danbayn waxay soo wada saareen Warmurtiyeed ku aadan wada xaajoodkooda.

Axmed Madoobe iyo Laftagareen,ayaa Warmurtiyeedkooda ku sheegay in ay doonayaan sii socoshada Doorashada.

Mawqifkoodu,waxuu lid ku yahay dalabkii Midowga Musharaxiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada.

Waxaa muuqata in Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda mudo xiloodkoodu dhamaaday ee Fadaraalka ay isku dhan ka yihiin Midowga.

Rooble,waxuu Jabuti uga dhawaaqay in uu dhici doono Shir layskugu imaan doono oo ku aadan Doorashada.

Shirkaas,ayaa looga gol leeyahay in lagu qanciyo tabashada Midowga Musharaxiinta,waxaana dabada ka riixaya Beesha Caalamka.

Jibril Qoobey.