Maraykanka oo digniin udiray Dowladaha Itoobiya iyo Etetereya

Dowlada Mareykanka,ayaa si adag u dhaleecaysay Dowlada Ethiopia kuna eedaysay in ay gargaarka u isticmaalayso xeelad dagaal.

Maraykanku,waxuu sheegay in ay Dowlada Itoobiya hor istaagtay gargaar la gaarsiiyo Gobolka Tigreega iyo in ay kumanaan shacab oo asalkoodu Tigree yahay ay xirxirtay.

Maleeshiyadka Amxaarada ayey ayana ku eedaysay in ay isir sifayn ka wadaan Galbeedka Gobalka Tigree.

Dowlada Eritrea ayey iyadana ku eedaysay in ay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Insaanka ka gaysatay Ethiopia uguna baaqday in ay ka baxaan Ethiopia.

Mareykanka,ayaa soo jeediyay in dagaalka si deg dega oo bilaa shuruuda loo joojiyo, gargaarka la fasaxo, maxaabista shacabka ahna lasii daayo.

Dowladu Maraykanku waxay ku hanjabtay in talaabo kastaa miiska saaran tahay.