Maraykanka oo hor istaagay qorshe khatar ku ahaa Somaliya oo Turkigu watay

Farmaajo ka hor intuusan ka duulin Aadan-cade,waxuu sii maray Qaybta Terminalkii hore Garoonka Aadan-cade oo ay yaalaan 3-Diyaaradood oo Drones ah,kuwaasoo Turkigu ay gacanta ku hayaan.

Farmaajo oo diyaarada Itoobiyan Airlines ka raacay Muqdisho,ayaa mudo dhawr saac ah ku sugnaa Qaybta VIP-da ee Garoonka Adis-ababa,waxuuna kula kulmay Talyaha Ciidamada Itoobiya Berhanu Juula.

Sida ay tibaaxayaan xogo laga helayo Ilo lagu kalsoonaan karo Turkiga,ayaa isku dayay in uu dhiso isbahaysi Milatari oo Sadex Geesood ah,kaasoo udhaxeeya Turkiga,Itoobiya iyo Somaliya.

“Labadiina Dal,waxaa aad khatar idin kugu ah Mucaaradka,marka iska dhisa Milatariga ka hor inta aydaan ka fakarin Doorasho iyo Dimuqraadiyad”Ayuu Turkigu usoo jeediyay Abiy iyo Farmaajo.

Balse Maraykanka oo xogtaas ka war helay,ayaa ka dhex kacay oo udigay Turkiga.

“Somaliya waa Dal burbursan oo xataa aan Ciidan mid ah lahayn,marka iska ilaali in aad heshiis gaar ah oo Milatari la gashid”Ayaa Turkiga lagu yiri.

Turkiga,waxuu doonayay in uu keeno Somaliya Hub casriya oo Drones-ku ku jiro iyo Ciidamo,waxaase hor istaagay Maraykanka oo sheegay in wax alaale iyo waxii uu Somaliya heshiis kula galayo ay noqdaan wax soo mara Qaramada Midoobey.

Maraykanku waxuu xasuusiyay Turkiga in Somaliya ay joogaan Ciidamo Nabad ilaalin ah,isla markaana Ciidamada iyo Hubka la keeno uqaybsami karaan Beelo.

Sida xoguhu xaqiijinayaan qorshihii Turkigu dib ,ayuu ula laabtay kadib digniinta Maraykanka.