Video:-Dhismaha Janbiga Labaad Ee Dekeda Garacad oo bilowday

Sawiro Shaqada janbiga labaad ee Dekada Garacad ayaa si habsami ah u socota.

Sida muuqata waxaa banaanka u soo baxay Shubkii laga soo bilaabay Bada Gunteeda hoose ee Janbiga Labaad.

Dhismaha Dekeda Garacad,waxaa maal galinaya ganacsatada reer Puntland,gaar ahaan kuwa Mudug iyo Somali inteeda kale.

Mashruucan ma noqon doono mid shisheeye saamayn ku yeesho oo loo ogolaan doono in ay Saami ku darsadaan ilaa inta Qof Somali ah la helayo.

Garacad Mudug Puntland Somaliya,sida qorshuhu yahay wuxuu noqonayaa maal gashi isagu jira Dekad iyo Jidka Dheer ee isku xira Gobolada Puntland iyo Itoobiya.

Halkan ka daawo muuqaalka