Beesha Sawaakhroon miyaysan mudnayn Matalaad in ay ka hesho Dowladnimada!!

Gobolada Bari iyo Gardafuul ee Puntland,waxaa ka mid ah Beelaha dega oo waliba mudnaanta ku leh Beesha Sawaakhroon.

Waa Dad tilmaamaha Gobanimo meel sare kaga jira.

Xaqiiqdii dulqaadkooda iyo tanaasulkooda,waxaa kuugu filan cadayn ahaan 3-dii sano ee Dowlada Deni talada haysay maleh matalaad.

Laba jeer,ayaa Wasiiradoodii la ilhaamaystay oo la kufsaday.

Wasaarada Kalluumaysiga ee awood qaybsiga loogu magacaabay,waxaa ku xigeen ka ah Nin Xidid la ah Madaxweyne Deni.

Sidoo kale,waxaa Agaasime Guud ka ah Nin ay Ilmo Abti yihiin Sxb-ka dhow ee Madaxweynaha Maxamuud Shido.

Xilka qaadista Wasiirka Wasaaradaas oo dhacday Laba jeer,waxaa sababay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud oo si baarqabnimo leh udhaqma oo yasa Wasiirka iyo doorkiisa.

Wasaarada Kaluumaysigu waxay ku jirtaa kuwa muhiimada gaarka ah uleh Garabyada dhistay Dowlada Deni hogaamiyo,sababtoo ah,waxa ay maamushaa ugu yaraan 98-Markab oo Jariif ah oo xiligan Badda ugu jira Qoyska Deni iyo Garabka Maxamuud Shido.

Majirto Beel reer Puntland ah oo aqbali lahayd in aysan Matalaad yeelan xataa hadaysan dan guud ku qabin Siyaasiga Kursiga ku matalaya.

Beeluhu waxay u arkaan matalaad la’aantu in ay ku tahay yaraysi iyo hoos udhigis!!

Sawaakhroon sida loola dhaqmay uma qalmaan!!

Jibril Qoobey.