Gudigii khilaafaadka oo ka hor yimid xilka qaadistii Rooble

Gudida xalinta Khilaafaadla ayaa diidey xil ka qaadistii Rwasaare Rooble ku sameeyey iyagoo sharci daro ku tilmaamay.

Gudiga,ayaa sheegay in ay Warqada kasoo baxday Xaafiiska RW ay baalmarsan tahay Sharciga,isla markaana Gudoomiyaha xilka uu ka qaaday lagu doortay wadar guud oo isla ogol ah.

Rooble,ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseyn Maxamed Maxamuud Laki.

Halkan ka akhriso:-