Somaliya oo ka hor timid baarista xasuuqa Itoobiya ka dhacay

Codayntii shalay Qaramada Midoobey ee baarista tacadiyada ka dhacay Itoobiya,waxay markale Aduunka tustay laba arimood oo kala ah..

1.Sida Afrikaanku aysan urabin cadaalad iyo isla xisaabtan oo kuligood ugu wada jiraan Dhiiqo.

2.Sida Reer Galbeedku ulaba wajiileeyaan markii tooda ay timaado.

Dhammaan 13-ka waddan ee Afrikaanka ah ee @UN_HRC waa ay diideen ama way ka aamuseen.

Dalalka Soomaaliya, Eritrea, Ivory Coast, Cameroon, Namibia iyo Gabon,ayaa ka mid ah dalalka diiday qaraarka.

Waa la fahmi karaa in Somaliyada Maanta uu Kursigeeda hogaaminta sii joogo Farmaajo ay diido daahfurnaan oo ay garab siiso xiqdi iyo dulmi.

Fahad iyo Farmaajo danbiyada loo haysto jaalkood Abiy kuwo la mid ah ayay ka galeen Somaliya.

Dad badan,ayaa ku doodaya in Shalay Reer Galbeedku ku daawadeen tacadiyadii Tigreegu ka samaynayay guud ahaan Itoobiya,taa badalkeedana uu Maanta iyagii usamaynayo Buul Badbaado.