Madaxweynaha Maamulka Tigreega oo fariin udiray Caalamka

Hoggaamiyaha TPLF,Debretsion ayaa waraaq u diray hoggaminta 53-dal,ururada caalamiga ah,iyo kuwa xuquuqaha adamiga u doodda.

Debretsion,wuxuu sheegay in shacabka Tigreega isir beegsi lagu hayo,loona gaystay xadhig farabadan intii xaallada deg-dega ah la galay,wuxuuna beesha caalamka ku dhaliilay inay tallaabo qaadin oo ay arrimahaas daawanyaan,isagoo usoo jeediyay in tallaabo la qaado oo ay beesha calamku dagaalka socda joojiso.

Debretsion,ayaa dalalka Imaradka iyo Turkiga eedaymo usoo jeediyay,isagoo sheegay inay Itoobiya dagaalka ku taagerayaan.Sigaar ah wuxuu ka hadlay Droneska,oo uu sheegay in dhawaan si horleh loo keenay dalka,islamarkaana ay duqaymo ka gaysteen Tigreega.

“Muddo badan ayaan aaminsayn in wada haddal lagu xalin karo xiisadan,beesha caallamkuna marar baddan oo ay dalbadeen waxaan u sheegnay inaan wada haddal u diyaarsanahay,balse waxay arrintaas ka socon wayday dhan Dowladda dhexe,oo dabka kusii shidaya dagaalkan”; ayuu yiri Debretsion oo waraaq u diray beesha caalamka.


VOSS TV