Maxaa kalifay in Shaqaalaha Rayidka ah Ee Puntland aysan weli Mushahaar qaadan?

9-bilood Lacagtii Adeega Wasaaradaha lama bixin mana jiro Wasiir ka hadli kara oo xataa Xan ku sheegi kara.

9-Milyan oo Dolar oo ahayd Lacagtii tijaabada Corona iyaduna si toos ah ayay Acount gaar ah ugu xiran tahay.

19-ka bisha 12-aad ee 2021 weli lama qaadan Mushahaarkii Shaqaalaha rayidka ah,balse waxaa la bixiyay kii Ciidanka.

Miisaaniyada gudaha kasoo xaroota kor baa loo qaaday,waxayna cagacagaynaysaa 8-Milyan oo dolar Bishii.

Badanaa Madaxweyne walba oo hogaanka Puntland qabtaa 2-da Sano ee u horaysa,waxaa caado unoqon jirtay in uu bixiyo si joogta ah Mushahaaraadka iyo kharashaadka Dowlada.

Balse isbadalada uu waday Madaxweyne Deni oo ay qayb ka ahayd in uu joojiyay Fadlantii Dad badani ku noolaayeen,waxaa lays lahaa isbadalkiisu waa dhab oo ma bariiqan doono.

Sanadka 2021,waxuu ku gabagaboobi doonaa,iyadoo Deni lumiyay mid ka mid ah arimihii uu ku faanayay ee Maaraynta Maamulka iyo Maaliyada.

Jibril Qoobey.