Shirka isku xirka Wasaaradaha oo Garowe ka furmay

Garowe, December 19, 2021: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo kaa shanaysa UNDP/JPLG, ayaa Garowe ku qabatay shir ku saabsan isku Xirka Wasaaradaha, Iskuduwayaasha heer Gobol iyo Degmo, iyo Agaasimayaasha Arimaha bulshada ee Dawladaha Hoose.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Axmed kulan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur (Jubba), ayaa Garowe ka daah furay shirka.

Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Degaaanka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Horumarinta Haweeenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Waxbarashada, Wakaaladda Horumarinta Biyaha, qaar kamid ah Iskuduwayaasha Goboladda, Agaasimayaasha Arrimaha Bulshada, Qaarkamid ah hey’addaha dowliga ah ee heer Degmo, Bulshada rayidka ah iyo ururka Dhalinyarada Puntland ee PYAN.

Kulanka ayaa lagu soo qaadey shaqooyinka ka socda Degmooyinka iyo adeeg daadajinta waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sida sanadka cusub loo dardargalin lahaa shaqooyinka sanadka soo socda ee 2022.

Dhammaad

Xafiiskiisa Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.