Agaasimayaasha Dowlada Puntland oo loo furay tababar

Garowe 19.Dec.2021 Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyradda iyo Ciyaaraha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland Ahmed Jaamac ayaa daah furan tababar loo qabanayo agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda iyo agaasimayaasha Shaqaalaha, Tababarkaa oo ujeediisu ahayd in lagu tababaro shaqaalaha qaabkii ay u soo ururin lahaayeen xog baahida tababaradda shaqaalaha (Training Need assessment), si loo ogaado baahida tababar iyo noocyada tababar ee shaqaalaha dawladu u baahin yihiin.

Waxaana tababarka fududaynayey Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda Kenya oo la mataansan Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda Puntland.

Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland