Faahfaahin hawlgalkii xalay Ee Ciidamada Amaanka Mudug

Shaqo fiican oo ay bogaadiyeen Bulshadu ayay qabteen Ciidamada Amaanka Puntland qaybtooda Mudug.

Hub,Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha ayay caawa Ciidamada amaanka Gobolka Mudug gacanta ku dhigeen kadib hawlgal lagu fuliyay haraaga caadeyste ah oo xilliyo kala duwan isku dayay inay abuuraan qas iyo falal lid ku ah amniga.

Sidoo kale hawlgalka caawa,waxaa lagu qabtey tirada illaa 8 ruux oo ka mid ah isla kooxdaas ka shaqaysata Maandooriyaha.

Khasaaraha soo gaaray Ciidamada,ayaa gaaraya Askari markii danbe ugeeriyooday dhaawacaas oo lagu magacaabi jiray Muxiyadiin Cabdi Jaamac rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.