Video:-Talyaha Ciidamada oo ku Eedeeyay Rooble Dhul boob

Waxaa dhulkii ciidanka badda Soomaaliyeed si boob ah ku dhisanaya madaxdii qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waa ayaan darro in la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya.

Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaranka ay u sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka aqbali doonin in hantidii umadda oo ay u dhaarteen la boobo.

“Marqaati kama noqa doono, mana qaadan doono, boobka socda, in la isugu caga-jugleeyo xilkaa lagaa qaadayaa kuma aamuseyno, hadaan hadda ka tegeyno xilka, waxaan u dhaaranay inaan ilaalino hantida umadda, kana been sheegi meyno taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka