Hawlgalka Amisom oo mudo kordhin loo sameeyay

Mudada ay Amisom sii joogayso Somaliya,ayaa lagu daray 3-bilood oo kale,waxayna ka dhigan tahay ilaa 31-Maarso ee sanadka cusub 2022 in ay sii shaqayn doonaan.

Golaha amaanka,ayaa usameeyay Amisom mudo kordhonta hawlgalkooda.

Tani waxay timid,iyadoo intii mudo ahaydba laysku mari waayay qorshe ahaa in Ciidamada Amisom hawlgalkooda loo badalo mid heer Caalami ah oo hoos taga Qaramada midoobey.

Dowlada Somaliya,ayaa qorshahaas dood adag ka keentay.