Deni oo mar Sadexaad Xabad joojin iclaamiyay

Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladu wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaalada Bosaso, islamarkaana ay qaadayso talaabooyin lagu fududaynayo dadaalada.

madaxtooyada waxay ku eedaysay in Agaasimaha PSF inuu hurinayo colaad ka dhacda Bosaso.

Warsaxafadeedka madaxtooyada ayaa imaanaya ka dib dagaal hub culus la isku adeegsaday oo xalay ka dhacay magaaladda. Ciidamada PSF ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay dowladu ku soo qaaday.

Warar ka imaanaya Bosaso waxay sheegayaan in Ciidamadu dowladu ay ka baxeen aagagii uu dagaalku ka socday ee Xaafadaha Suweyto, wadada hor marta xarunta dr axmed Cali iyo jidka Sodonka