PSF oo iska difaacday labadii Weerar Ee lagu soo qaaday

Ciidamada PSF si karaamo leh ayay iskaga
Difaaceen weeraradii xalay saq dhexe iyo kuwii saakay Aroortii.

Ciidamada Badda,ayaa xalay kasoo weeraray dhanka Bada Xarunta PSF,waase lagu jabiyay oo khasaare baaxad leh,ayaa la gaar siiyay.

Sidoo kale dhanka Madaxtooyada iyo Suweyto,waxaa kasoo weeraray Daraawiishta,iyagana waa iska caabiyeen PSF oo waxay riixeen ilaa Jidka Sodonka.

PSF markay iska riixeen Ciidamadii soo weeraray oo ay fogeeyeen ayay si Istiraatiijiya dib ugu laabteen Difaacoodii rasmiga ah.

PSF wax weerar ah masoo qaadin,waxayna weli ku taagan yihiin xabad joojintii.