Daahir Ayaanle oo lagu Eedeeyay in uu qayb ka yahay Kaluumaysiga Sharcidarada ah

Cilmi baarist uu diyaariyay Jey Bahadur oo ku saabsan kalluumeysiga sharci darrada ah ee Somaliya,ayaa lagu daabacay @GI_TOC’s Risk Bulletin #22.

Wsrbxintan waxa ay faah faahin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyada maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah raxan Maraakiibta Jariifka ah ee Shiinaha kuwaas oo ka dhacayay biyaha Waqooyiga Somaliya ilaa horraantii 2020-ka.

Warbixintan,waxaa Udub dhexaad u ah Daahir Ayaanle oo ka mid ah Seneterada dhawaan la doortay ee Puntland ku matali doona Dowlada Fadaraalka.

Daahir waa Ganscsade Saami qayb ka ah Ganacsi balaaran oo ay wada leeyihiin Madaxweyne Deni.

Waxaa kaloo jira Maraakiib door ah oo kuwa warbixintu sheegtay ah in ay wada leeyihiin Daahir Ayaanle,Maxamuud Shido iyo Madaxweyne Deni.

Warbixinta GI-TOC ayaa tooshka ku ifisay in Senatorka cusub ee Puntland Dahir Ayaanle Said uu yahay mukhalas ka ganacsada ka soo saarida Puntland shatiyada ay shirkado shisheeye bada Puntland, Somalia si sharci daro kaga kaluumaystaan

Waxay kale Warbixintu sheegtay in dhawaan Senator Dahir ayaanle shatiyo sharci daro ah u soo saaray shirkad Chinese lagu magaaco Liao Dong Yu fleets, oo leh maraakiib jariif ah oo tiradoda la aqoon inta ay tahay.

Sidoo kale, waxaa hay’ada Global Initiatives-TOC si gaara u xustay in Senator Dahir Ayanle yahay gacanta midig ee Madaxwaynaha Puntland Said Abdulahi Deni.

Shirkada Liao Dong Yu fleets ayaa bada Somalia kaga kaluumaysata Trawling Vessels maraakiibta loo yaqaan, bada gunteeda jariifaya, waxayn warbixintu sheegtay in Liao Dong Yu fleets aad u guranayaan Kaluunka Dolphin loo yaqaan [Hobo-boro]oo caalamka ka reeban in la dabto, islamarkaasna yahay kaluumo si gaara loo xanaaneeyo oo caalamka ka si dabar go’aya!!

Halkan ka akhriso warbixinta