Gudi loo saaray Dadkii Bosaso kasoo barakacay

Guddiga Golaha Wasiirada ah ee ka shaqeynaya Gurmadka iyo Garab istaaga dadkii kasoo barakacay Boosaaso,ayaa saaka booqday xarumaha ay dadkaasi kaga suganyihiin Carmo.

Madaxweyne Deni ayaa faray Guddigan in dhakhso loo garab istaago dadkaasi, loo kuurgalo xaaladooda, la gaarsiiyo gurmad degdeg ah, isla markaana laga caawiyo dib-u-laabashadooda.

Guddiga Wasiirada ah ayaa hadda u gudbay deeganada kale ee u dhow Boosaaso .