Madaxweyne Deni waa qabsoomay sida ka muuqata khudbadiisa”

Madaxweyne Deni khudbad taariikhiya,ayuu jeediyay,waana hadlay hadii hadal waxtarayo.

Waxii dhacay dareen xun buu ka muujiyay,waxuuna soo jeediyay in xalay dhalay laga noqdo oo hada laga wada shaqeeyo Nabada iyo Midnimada.

Waxuu amar ku bixiyay in Ciidamadu aysan Xabad ridi karin xataa hadii lasoo weeraro.

Waxuu amar ku bixiyay in beri dib loo furo Xarumaha Dowlada oo dhan ee Magaalada Bosaso.

Madaxweynuhu,waxuu soo dhaweeyay Isimada,haldoorka iyo Siyaasiyiinta horay uga hadlay uguna istaagay dhacdada Bosaso,waxuuna ku booriyay in ay sii laba jibaaraan.

Waxuu si gaar ah uxusay Boqor Burhaan oo uu sheegay in uu aqoonsan yahay oo uu Boqorkiisa yahay.

Go’aamadii ay soo saareen Isimadii Lixda ahaa ee ku aadanaa PSF,ayuu garowshiyo siiyay sheegayna in uu uusan u arkin mid khaldan oo uu ahaa fikrad markaas iyaga la saxsanayd oo wax lagu saxayay.

Madaxweyne Deni waxuu xusay doorkii Cismaan Diyaano,Asad iyo Maxamuud ee u adeegida Amniga iyo Dowladnimada Puntland.

Waxuu sheegay in Dowlada kaliya aysan ku filnayn xalinta arinka PSF oo ay ugacan geliyeen dhamaan Dadkii wax kasoo dhistay Puntland sida Siyaasiyiintii,Isimadii iyo haldoorkii kale.

Si gaar ah,waxuu uxusay Cumar,Gaas iyo Faroole.

Guud ahaan hadalka Madaxweyne Deni,waxuu ahaa mid miisaaman,garowshiyo leh,waaqiciya oo aragti hogaamineed ka muuqato.

Hadaba Shacabweynaha reer Puntland waxaa waajib ku ah in ay la shaqeeyaan Dowlada una hakadaan hadalka Madaxweynaha haduu noo qabsoomay oo bixiyay garowshiyo.

Muhiimadu waa Puntland oo Dowlad ah oo midaysan.

Jibril Qoobey.