Talyaha Ciidamada Badda oo la go’aamiyay in xilka laga qaado

Guddigii loo saaray baarista aflagaaddadii uu Taliyaha Ciidamada Badda u geystay RW Rooble ayaa gaaray go’aano aad uga nixiyey Farmaajo iyo Odowaa oo hadda cadaadis ku haya guddigaas!

Xubnaha Guddigaan oo ka koobnaa Shan Generaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga ee Dalka, ayaa isku raacay in Falka uu ku kacay Taliyaha Ciidanka Badda uu ahaa:-

  1. Mid baalmarsan Anshaxa Ciidanka.
  2. waxa ay soo jeediyeen in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed sida ku cad war ku taariqeysan XTCC/2084/12/21 taas oo loo diray Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaa yuusuf Raage taas oo ku sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkii dacaayadda ahaa ee Cabdixamiid.
  3. In Sharciga la horkeeno Taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliyeed, Si loogu ciqaabo falka been abuurka ah ee uu ku dhacay.

Hase yeeshee Odowaa iyo Farmaajo oo ka carooday go’aanka Guddiga ayaa warqad sumadeedu tahay XTC/XDS/1757/21 u diray guddigaan, taas oo ay ku weydiinayaan su’aalo ay ka jawaabeen iyadoo intaas usii dheer tahay handaadad ka dhan ah guddiga.

Waxaa sidoo kale warqaddaan loo diray Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yusuuf laga qariyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo isagu lahaa amarka baarista aflagaaddadii Taliyaha Ciidanka Badda uu u geystay RW Rooble.

Arrintaan ayaa muujinaysa sida ay Villadu ugu fashilantay isku day ay ku doonayeen in ay ku magac dilaan RW Rooble oo ka hor yimid isku daygooda ku aaddan sidii ay doorashada u boobi lahaayeen una magac dili lahaayeen.