Waftiga Jubaland oo la kulmay ismaamulka Garisa

Wafti ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu hogaaminaaye Madaxweyne ku xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Adan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane C/raxmaan Cabdi Axmed iyo lataliyaha sare Dr. Cali Axmed oo maalmahan safar shaqo u joogay dalka Kenya ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Gavanaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane.

Waxaa laga wada hadlay iskaashiga arimaha Amniga, Abaaraha iyo maareeynta arimaha qoxootiga oo labada dhinacba masuuliyad ka saarantahay. Arimahaas ayaa si fiican la iskugu afgartay waxaana jiri doonaa booqashooyin laba dhinac lagu sii hormarinayo qodobada laga wada hadlay.