Gudoomiyihii Gudigii Doorashooyinka Fadaraalka oo xilkii laga qaaday

Gudiga Doorashooyinka ayaa hadda xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gudigaasi Maxamed Cirro.

18 xubnood ayaa fadhiyay, 15 ayaa ogolaatay in xilka laga qaado, sadaxna waa ay ka hortimid.

Waxaa lagu eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu horay u wadi waayay socodsiinta doorashada.

Go’aanka loo cuskaday xil ka xayuubinta iyo eedaymihii loo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka (FEIT) Maxamed Xasan Cirro,ayaa sida tan udhignaa.