Waftigii Islaan Bashiir Ee Mudug ka yimid oo Qado sharaf loogu sameeyay Garowe

Waxaan maanta casumaad qado sharaf ahayd loo sameeyey weftigii Dhaqanka ee Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaam Bashiir Islaam Cabdulle – duleedka Magaalada Garowe.

Kulankan qadada ah,ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ugu waa waynaayeen….

  1. Doorka Issimada iyo Nabadeynta Boosaaso
  2. Xal u helidda khilaafka Boosaaso oo ku ah xanuun weyn dhamaan Dadka reer Puntland iyo Dadka Soomaaliyeedba
  3. Xog wareysi arrimaha Gobolka Mudug sida: Abaaraha, Amniga iyo Qiimeynta Horumarka jira iyo wixii dhiman.

Shirka waxaa soo xiray Islaam Bashiir Islaam Cabdulle oo warbixin kaddib u duceeyey Dadkii ka soo qeyb galay xafladda.