Madaxweynuhu awood Dastuuriya ma uleeyahay xilka qaadista RW?

Shaydaan wax Habrtiis jiida waayahay,Habar Shaydaana wax la jiido waa tahay!!

Waa la filayay in uu ismiidaamintan samaynayo Farmaajo,balse lama sugayn in uu toos Warqad usoo saaray ku yiraahdo waa uga joojiyay Shaqada Rooble.

Ugu yaraan,waxaa layslahaa,waxuu soo noolayn doonaa dood Sharci oo waxuu adeegsan doonaa Baarlamaankii dhacay.

Madaxweynuhu kama qaadi karo RW xilka ama kama joojin karo shaqada,xataa hadii muda xileedkiisu nool yahay,waabase Madaxweyne mudaddiisii sharcigu u ogolaa hogaaminta Dalka ay dhamaatay 10-bilood ka hor,haba yaraateena aan loo samayn wax sharciyad KMG ah oo uu kusii joogo marka laga soo tago in dalka laga ilaaliyo meel banaan in uu kusoo dhaco.

Rooble,waxaa hiil iyo jawaab Farmaajo unoqon doona Shirka Maanta oo ay Beesha caalamka,Midowga Musharaxiinta iyo Pl,JL taageereen,sidoo kalena la filayo in Maamulo kale yimaadaan.

Farmaajo,waxuu ku ciyaarayaa Qaranimadii iyo Dowladninadii Dalka mana uhirgeli doonto sida uu rabo ee kaliya taariikh madow,ayuu la anba baxayaa.

Jibril Qoobey.