Talyihii Ciidamada Badda oo shaqadii laga joojiyay

AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR

Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia