Mukhtaar Rooboow oo Xarigiisa wax layska waydiiyay 3-sano kadib

Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Fadaraalja Cabdullaahi Maxamed Nuur,ayaa ka dalbaday Yaasiin Farey oo ah kusimaha NISA in uu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo sheegaysa sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Roobow.

Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa 48 u qabtay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida inuu ku keeno macluumaadka la xiriira Mukhtaar Rooboow iyo sababta uu u xiran yahay.

Rooboow,ayaa maxkamad la’aan Muqdisho ugu xiran dhowr sano.

Ciidamada Itoobiya,ayaa bishii December 2019 Mukhtaar Roobow ka qabtay Baydhabo, kaddib amar ka yimid Dowladda Somaliya.

Waxaa loo arkaa Warqadan in ay tahay fariin ku socota Madaxweyne Laftagareen oo si cad ula saftay Farmaajo

Fariintan,ayaa loogu sheegayaa Laftagareen in uu dib uga dabco ku dhagnaantiisa Farmaajo iyo kooxdiisa una muujiyo wada shaqayn Xaafiiska Ra’isalwasaaraha.

Halkan ka akhriso wareegtada:-