Golaha Wasiirada Fadaraalka oo canbaareeyay Afgenbigii dhicisoobay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo lagu cambaareeyay isku daygii Afgambi ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirradda.

Shirka,waxaa kaloo lagu taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan doorashooyinka.

Sidoo kale,waxaa lagu ansixiyay Xisaabxirka Miisaaniyaddii 2020.

Golaha,ayaa ka mahad celiyay taageerada Shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ee Xukuumadda iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka.