Halkee marayaa dhismaha Janbiga labaad Ee Dekeda Garacad?

Waxaa si habsami leh u socda dhismaha jembiga labaad ee Dekedda Garacad. Shubka la dhigayo jembiga oo ka soo bilowday gunta hoose ee badda ayaa biyaha banaanka uga soo baxay.

Jembiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo bilaha soo socda.

Horay,waxaa loo dhamaystiray Janbigii 1-aad Dekeda oo ay kusoo xiran karaan Maraakiibta qaada 10-ka Kun ee Tan.

Garacad waxay noqon doontaa mid ka mid ah Dekedaha ugu balaaran Geeska Afrika oo Ganacsato Maxali ah Maalgashatay.