Maraykanka oo arimaha Itoobiya uwakiishay Kenya

Antony Blinken ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta khadka telefoonka kula hadlay maalintii Talaadada ee isbuucan.

Inta uu socday wadasheekeysigooda, Blinken waxa uu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uu si buuxda u taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Uhuru Kenyatta iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Ned Price, ayuu ku sheegay in wadahadalka telefoonka ee madaxweynaha iyo Wasiirka gebi ahaantiisba lagu gorfeeyay arrimaha amniga gobolka iyo danaha guud, oo ay ku jiraan xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Dhanka Itoobiya, waxay isku waafaqeen in si deg deg ah loogu baahan yahay xabbad joojin lagu hakiyo colaadda, fududeynta gargaarka bani’aadannimo, soo afjaridda tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in wadaxaajood lagu xalliyo dagaalka,” ayuu yiri Price.

Itoobiya ayaa dhexda uga jirta qalalaase ka dhashay ismariwaa siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo xisbiga Tigray-ga ee TPLF.