Tababar loo furay Ardayda Jaamacada Bariga Afrika

Ustaad Cabdikadir Sa’id Jaamac oo ka tirsan Macalimiinta Jaamacada Bariga Africa, ahna Agaasimaha Guud ee Hayada tababarada amaanka iyo sharciyada Puntland,ayaa tababar u qabtay Ardayda Jaamacada Bariga Africa,gaar ahaan kuliyada Security Studies.

Tababarka,ayaa ku saabsanaa sida ay u wada shaqeeyaan laamaha Booliska iyo Garsoorka.

Tababarka waxaa furay taliye ku xigeenka guud Ee C.I.D Puntland G/Sare Abshir Xuseen Siciid.

Ardayda,ayaa booqatay Laamaha Saldhigyada Garowe iyo Taliska Guud.