Video:-Maraykanka oo Ruushka ugu hanjabay cunaqabatayn adag..

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden in cunaqabateynta cusub ee la xiriirta arrimaha Ukraine lagu soo rogo dalkiisa haddii ay dhacdana ay horseedi karto burbur buuxa oo ku yimaada xiriirka labada dal.

Isagoo taleefoon kula xiriiray goor dambe oo ahayd Khamiistii, ayuu madaxweynaha Ruushka wuxuu dhiggiisa u sheegay in cunaqabateyn cusub ay noqon doonto “khalad weyn”. oo la galay.

Mr Biden ayaa dhanka kale u sheegay Mr Putin in Mareykanka iyo xulafadiisa ay jawaab adag ka bixin doonaan duulaan kasta oo lagu qaado Ukraine.

Wicitaankan oo uu dalbaday Ruushka ayaa ahaa kii labaad ee labada hogaamiye bishan dhex mara, waxaana uu socday ku dhawaad ​​hal saac.

In kasta oo labada dhinac ay digniino is dhaafsadeen intii uu socday wicitaanka, haddana la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka Yuri Ushakov ayaa wax yar uun ka dib u sheegay warfidiyeenka in Mr Putin uu “ku faraxsan yahay” wada hadalka.

Sarkaal sare oo Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa “mid dhab ah”.

“Madaxweyne Biden wuxuu ku celceliyay in horumarka la taaban karo ee wada-hadallada noocaan oo kale ah ay ku dhici karaan oo keliya xaalad deggan ,” Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sidaasi tiri.

“Wuxuu si cad u sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay si adag uga jawaabi doonaan haddii Ruushku uu weeraro Ukraine,” ayay raacisay.

Saraakiisha Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Geneva bisha soo socota iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in Mr Biden uu ku booriyay dhiggiisa Ruushka inuu raadiyo xal diblomaasiyadeed.

Halkan ka daawo muuqaalka