Hot Topics

Imaaraadka oo hakiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Ciidamada Badda Puntland

Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidamada Badda Puntland.

Hakintan,ayay Imaaraadku ku sababeeyeen diidmo ay diidanaayeen dagaalkii Bosaso.

Imaaraadku waxuu codsaday wada xajood danbe oo ay ka wada yeeshaan Puntland arimaha Ciidamada Badda.

Laba qaybood oo ka mid ah Sadexda qaybood ee Ciidanka Badda,ayaa dagaalkii ceebaysnaa ee Dowladu ku fashilantay galay.

Dagaalkaas,waxaa Ciidanka Badda uga dhintay 28-Askari,waxaana ku dhaawacmay 40-kale,3-Gaarina waa looga gubay.

Ilaa iyo hada wax fasiraad ah looma hayo sababta Ciidamada Difaaca Puntland layskugu jabiyay.