Laftagareen oo deg-deg ula kulmay Khayre

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Ra’isul wasarihii hore ee Dalka Xasan Cali Kheyre.

Laftagareen la kulankiisa deg-dega ah ee Khayre,waxay xoojinaysaa Xantii ahayd Qorshaha Labaad ee Qatar ku hawlgalayso 2022-2025 waa Khayre.

Waa fariin muujinaysa in laga guuray Farmaajo oo afgarad u ah cid walba oo xulufadooda ka mid ah.

Qatar waxay aad uga fogaatay hab dhaqanka Farmaajo,sida xoguhu xaqiijinayaan.