Laftagareen oo lagu khasbay ka qaybgalka Shirka oo Xamar yimid

Madaxweynaha K/Galbeed,ayaa soo gaaray magaaalada Muqdisho, si uu uga qayb galo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu shaaciyay RW Rooble dibad joogana uu ka yahay Farmaajo.

Madaxweynaya Maamulka K/Galbeed horay,ayuu u qaadacay ka qayb galka shirkan.

Balse cadaadis uga yimid dhanka Beesha Caalamka,ayaa sababay in uu badalo mowqifkiisa iskana soo xaadiriyo Xamar.

Waa talaabo dhabarjab ku ah Farmaajo iyo xulufadiisii.